Askari Katirsan Ciidanka Dawlada Oo Si Arxan Daro Ah Maanta Ugu Dilay Muqdisho Wiil Bajaajle Ahaa

Waxaa Maanta Askari Katirsan Ciidamada Dawlada uu si Arxan Daro ah ugu dilay Wiil Dhalinyaro ahaa Gudaha Degmada Kaaraan Ee Muqdisho.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Bajaajle Mootada ku shaqeysan jiray,islamarkaana is afgaran waa soo kala dhex galay Askariga uu sidaas ku dilay.

Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Faanoole,gaar ahaan meel udhaw Iskuulka Godeey,meydka Bajaajlaha ayaa meesha laga qaaday.

Askariga dilka geystay ayaa ka baxsaday meesha,waxaana dad ka careysnaa ay isku dayeen inay dacwad ka geeyaan Gacan ku dhiiglaha,mana jirin cid loo soo qabtay Dilkaan.

Dhowr mar ayaa sidaan oo kale Askarta Dawlada Qaarkood Bajaajle ay murmeen kadib ay toogteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here