Arin Dalal Islaam Ah ku dhaqaaqeen & kaalinta Soomaaliya Oo La sugayo

Waxaa in badan oo ka mid ah Dalalka Islaamka ka bilowday olole xooggan oo lagu diidayo in dalalkaas lagu iibiyo badeecadaha ka yimaada dalka Faransiiska.

Arrintan ayaa jawaab u ah kadib markii uu madaxweynaha Faransiiska Macron, uu sheegay in ay la dagaalamayaan gacan bir ahna ku qaban doonaan wuxuu ugu yeeray Islaamka xagjirka iyo faduul u joogga ah!

Wuxuu sheegay Macron in dalkiisu sii wadi doono sawirada ay ka sameynayaan Nabigeenna Muhammed (NNKH), arritaan ayaa ka dhalatay carro xooggan iyo olole baraha bulshada ka bilowday oo lagu boorinayo dadka in aysan iibsan alaabaha Faransiisku sameeyo.

Madaxweynaha Turkiga ayaa mar sii horreysay ugu baaqay Islaamka in aysan aqbalin olalaha Islaam naceybka ee uu hoggaaminayo Faransiiska.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa waxa laga sugayaa doorkeeda arintaan Dalalka Islaamka ku dhawaaqeen.