ARAG CADEYMO: Boorsooyin Lacago Ah Oo Kusii qul qulaya Dhuuso mareeb

Magaalada Dhuuso mareeb waxay maalmahan dambe marti gelineysay Shirar Siyaasadeed kuwii ugu culusaa maadaama ay Doorasho Ka jirto.

Waxaa doorashada Gar wadeen u ah Oo Codkooda ku imaan doonaan Mas’uuliyiinta Maamulka cusub Ee Galmudug Xildhibaanada Jimcihii hore lasoo bandhigay.

Boorsooyin lacag ah ayaa magaalada galay oo Murashaxiinta,Siyaasiyiinta iyo dad ku wacan abaabulka Doorashada ay wadaan.

Sawirro laga soo qaaday Boorsooyinka siyaabo kala duwan waxaa la arki karay inay Dhuuso mareeb noqotay gor gortan lacageed mid ay ka jirtay.

Xildhibaanada ayaa codkooda waxa uu gaaray qiimihii ugu sareeyey marka la eego Doorashada gudoonka baarlamaanka Ee berri jimco ah Dhaceysa ayaana wax walbo bud dhig u noqoneysa.