AQRISO: Taariikhda Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobe u fadhinaya Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres, ayaa James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka u soo magacaabay Wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo bedeleya Nicholas Haysom oo 1­dii bishii Janaayo sanadkan 2019 laga eryay dalka.

Wakiilkan cusub, ayaa intii u dhaxeysay 2008 illaa iyo June 2011 ahaa Safiirkii Mareykanka ee dalka Jabuuti, halka bishii Agoosto sanadkii 2013 loo magacaabay Danjiraha Mareykanka ee Koongada Dimuqraadiga.

Ninkan 56 sano jir-ka ah, maamulkii Barak Obama waxa uu ka soo noqday kaaliye ku xigeenka xoghayaha guud ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha qaaradda Afrika.

James Swan oo dhaqanka Afrika si wanaagsan u yaqaana waxa uu bartay xiriirka caalamiga ah iyo cilmiga difaaca qaranka oo uu ka kala dhigtay Jamaacada Georgetown iyo National War College.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here