Aqalka Sare oo si Kulul kaga Hadlay Fal ay ku kaceen Ciidamada Kenya ee Somalia

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Aqalka Sare ayaa cambaareeyay burburinta Ciidamada Kenya ku hayaan hantida shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Anteenooyinka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Axmed Nadiir oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay u bareereen inay burburiyaan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo hantida ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay inay horay u burburiyeen xarumo isgaarsiineed oo ay miinooyin ku xireen, isagoo tilmaamay in aan taas loogu dulqaadan doonin, waxaa uu ugu baaqay Xukuumadda in arrintaas si degdeg ah ugala hadasho dowladda kenya.

Sidoo kale waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka banaan baxaan tallaabooyinka ay Ciidamada Kenya ku burburinayaan Shirkadaha isgaarsiinta ee ku yaala Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxaa uu sheegay in adeegyada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud siiso shacabka uu yahay mid ay aad ugu baahi qabaan shacabka, maadaama ay isticmaalaan adeegga EVC oo xilligan shacabka u sahla inay ku fushadaan nolol maalmeedkooda.

Labadii todobaad ee u dambeeyay Ciidamada Kenya ayaa miinooyin ku burburiyay Anteenooyin ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku yaalla deegaano ka tirsan Jubadda Hoose iyo Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here