Al Shabaab oo Xog Badan ka bixiyey Weerarkii Pizza House & Boosh Reit

Ururka Al Shabaab ayaa waxay sheegteen Mas’uuliyada Weerarkii Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaari waxyaabaha qarxa ka buuxeen Ayey shabaabku ku weerareen Fiidnimadii Maqaaxida Boosh iyo Goobta loo nasiinada tego Ee Pizza House.

Waxay ku yaallaan Labaduba Agagaarka Isgoyska Banaadir Ee Degmada Hodan,waxaana goobta ka dhacay dagaal wakhti badan qaatay.

Al Shabaab ayaa waxay Afar dagaalame oo katirsan Pizza House ku jireen Ilaa saaka 7:00 aroornimo,xalay mar ayaa Laamaha Amniga waxay 9:00 Fiidnimo sheegeen inay soo Afjareen balse ay beenowday.

Idaacada Afka Al Shabaab ku hadasha Ee Andalus ayaa saaka waxay sii deysay War ay kaga hadleysay Weerarkii Muqdisho.

Waxay Saraakiisha Al Shabaab sheegteen in weerarkaasi lagu Dilay Saraakiil Sirdoonka Soomaaliya katirsan iyo Qolyaha Dawlada ushaqeeya.

Al Shabaab tiro ahaan ma aysan soo bandhigin balse weerar lagu guuleystay ayey ku tilmaameen oo waxay Cadowga ugu yeereen meesha lagu waxyeeleeyey.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay