Al-shabaab oo Weerar Qasaaro Dhaliyay Ku Qaaday Kenya, Tirada Dhimashada Ogow

Xoogaga Xarakada Al shabaab ayaa subaxnimadii horay ee  saakay waxa ay weerar culus ku qaadeen xero booliis oo ku taala deegaanka Arabia  oo ay ku dhinteen saraakiil katirsan ciidamada Police-ka oo ilaa hada tirade rasmiga ah ee ku dhintay weerarkaasi wali  aan la xaqiijin.

Al shabab ayaa burburiyay shirkada isgaarsiinta ee halkaa ka howl galeysay   ka hor inta aysan weerarka ku qaadin deegaanka Arabia oo  100-KM u jirta magaalada Mandera oo ilaa imika aysan jirin wax isgaarsiin oo kashaqeynaya.

Taliyaha deegaanka Mohamed Salax ayaa sheegay in ay deegaankaasi ay u direen ciidamo dheeraad si ay ugu jawaabaan dagaalka lagu soo qaaday xero ciidamada police-ka Kenya ay ku sugnaayeen islamarkaana ay soo ogaan doonaan qasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Dagaalyahanada weerarka ku qaaday  deegaanka Arabia ee Xarakada Al shabab ayaa laaamin sanyahay in ay abaaro 4-tii habeenimo ay ka talaabeen xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Xarakada Al shabaab ayaa bilooyinkii u dambeeyay xoojiyay weerarada ay la beegsanayaan xerooyinka Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya iyo waliba xadka Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan.

Jiimcadii aynu ka’ soo gudubnay ayeey aheyd markii uu dhacay weerar qasaaro kala duwan loogu geystay ciidamada Kenya kuwaa oo ku sugnaa deegaanka kulbiyoow oo dowlada Kenya ay xaqiijisay in weerarkaasi loogu dilay 68 kamid ahaa askarteeda iyada oo ay isa soo tarayaan cabashooyinka siyaasiyiinta iyo xubnaha baarlamaanka dalka Kenya ay u dirayan madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta si ciidamada Kenya looga saaro gudaha dalka Soomaaliya.

 

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay