Home WARARKA Al Shabaab Oo Sheegtay Qaraxii Ismiidaaminta Ee Weydoow & Saraakiil Mareykan Ah...

Al Shabaab Oo Sheegtay Qaraxii Ismiidaaminta Ee Weydoow & Saraakiil Mareykan Ah Oo La Dilay

4
0

Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerar ka dhacay Deegaanka Weydoow Ee Duleedka Muqdisho oo duhurnimadii Qarax ismiidaamin Ah.

Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa waxa lagu bartilmaameedsaday Gaadiid ay la socdeen Kollonyo AMISOM,waxaana ka dhashay Qaraxasai khasaaro kala duwan.

Al Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku daabacay in Qaraxaasi uu ahaa mid najaxay ayna Ku laayeen Saraakiil AMISOM iyo Kuwa Mareykanka ah,Balse aysan sheegin tirada intay gaarayaan.

Dawlada Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Mareykanka Africa Ee loo yaqaano AFRICOM ayaan weli wax war ah kasoo saarin Qaraxii Ka dhacay Maanta Duhurnimadii Halka loo yaqaano Weydoow.

Warar ayaa sheegaya in Dhaawac la arkayey oo Qaraxaasi ay kasoo gaartay ciidanka AMISOM iyo kuwa Cadaanka la socday.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here