Al Shabaab oo Madaafiic ku weeraray Ciidanka DFS Ee Kusugan…..

Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay in xalay ay Madaafiic ku garaaceen Fariisimo Ciidan oo ku yaalla Deegaanka Biya Cade Ee Gobolka Sh/Dhexe.

Hoobiyeyaashaan ayaa ku dhacay gudaha iyo meel banaanka ka ah Xerada Ciidanka kusugnaayeen walaw aan la ogaan Karin Khasaaraha.

Ciidanka Dawlada Soomaaliya ayaa kusugnaa Fariisimaha la weeraray iyadoo Rasaas kooban ay ka dhacday Goobtaasi.

Dadka ku dhaqan Biya Cade waxay sheegeen inay maqlayeen Jugta madaafiicdaasi ayna hurdada ka salaleen qaarkood.

Al Shabaab ayaa sii kordhiyey Bisha Ramadaan weerarada ay ka fulinayaan Meelaha ay Ciidanka Dawlada iyo Kuwa AMISOM kusugan yihiin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay