Al Shabaab Oo La Wareegay Fariisin Ciidanka DF Ku lahaayeen inta udhaxeysa Balcad iyo Jowhar

Wararka laga helayo Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Ceelka-Geelow oo u dhexeeya Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad, halkaas oo  ay iskacaabin Xoogan kala Kulmeen Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugnaa.

Dagaalka dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac,waana markii labaad oo deegaankaas ay weeraraan dagaalmayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Xooga ayaa Xaqiijiyey Dagaalka maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Ceelka-Geelow in uu dhaliyey Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac, waxaase ay ka gaabsadeen inay faah-faahin ka bixiyaan tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Wararka ayaa intaas  waxaa ay ku sii darayaa in Dagaalmayaasha Al-shabaab ay la Wareegeen Deegaanka Ceelka-Geelow ka dib markii Ciidamada Dowladda looga itaal roonaaday Dagaalka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay