Al Shabaab oo kordhiyey weerarada Kenya & xalay saqdii dhexe wixii dhacay

Inta la og yahay Hal Askari oo katirsan Ciidamada Kenya Ayaa ku dhintay Halka midkalana uu dhaawac Soo gaaray kadib Markii Dablay hubaysan ay Xalay abaare 2:00 Habeenimo Weerareen Deegaanka Banyooley oo 12 kilometer u jirta Magaalada Mandheera.

Goobta la weeraray Ayaa Waxaa ka socday mashruuc lagu dhisayo War biyood Casri ah oo lacag malaayin ah ku kacaysa sida ay sheegeen guddiga shaqadaasi gacanta ku haya.

Saraakii uhadashay Waaxda Biyaha iyo Bulaacadaha Mandhera ee  MADWASCO ayaa sheegay in mid ka mid ah ciidankii ilaalada ka hayey dhismaha war biyoodka la dilay mid kalena la dhaawacay.

Sida ay wararku sheegayaan dablayda weerarka fulisey Ayaa dab qabsiiyay gaari Cagaf Cagaf ah oo halkaasi yaallay iyo Agab kale oo qalabka dhismaha ah.

Ilaa hadda lama sheegin weerarkaasi cida fulisey balse Booliska Mandheera ayaa ku eedeeyey in Al Shabaab ay ka dambeeyeen,Waana weerarkii 3aad oo Todobaadkani keliya ka dhaco Ismaamulka Mandheera .

Shalayto Talaadadii seddex Sarkaal Ayaa ku dhaawacantey Weerar kan lamid ah oo koox hubeysan ku qadeen Gaari Ciidamada booliska wateen oo ka yimid Wargaduud Kuna sii jeeday degmada Ceel waaq.