Al Shabaab oo dilay Dagaalyahano Katirsanaa oo Udhashay Dalka…

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in Al Shabaab ay khaarajiyeen qaar ka mid ah Dagaalyahano katirsanaa.

Dawlada Kenya ayaa sheegtay in Muwaadiniin udhashay Waddankeeda oo ka bar bar dagaalamayey Al Shabaab la dilay.

“Kooxda Al Qaacida Ku Xiran Ee Al Shabaabka Soomaaliya waxay toogteen dhowr dhalinyaro ah oo Kenyaan ah dhinacoodana ku biiray Sanado ka hor,sidaa waxa yiri Sargaal katirsan Ciidanka Kenya.

Agaasimaha Howlgalka la dagaalanka Al Shabaab Ee Kenya James Ole Seriani,ayaa sheegay inay Xog ahaan ku xaqiijiyeen in dhalinyaradaasi ay ku baxeen gacanta Al Shabaab oo la dilay.

Waxaa ka mid ahaa Kenyaanka La dilay Axmed Iimaan Ali oo Cilmiga Injineernimada bartay kana baxay Jaamacada Jomo Kenyatta.

 

 

“Khiyaastii Lix Dhalinyaro ah ayey Ahaayeen oo ku biiray Al Shabaab,waxaana si mutadawacnimo ah ay ugu dagaalamayeen maadaama Mushaar aysan qaadan jirin markii ay Dagaalka Aadayaan,marka laga reebo Raashin iyo Jiif ay helayeen”.Ayuu yiri Ole Seriani.

Al Shabaab ayaa waxa ka bar bar dagaalama Dagaalyahano badan oo Ajaanib ah kuwaasi oo qaarkood udhashay Waddamada Bakistaan,Afgaanistaan,Kenya,Tanzania iyo Qaar kale oo Dalalka Yurub iyo Laatiin Ameerica ka yimid.

W/Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)