Al Shabaab oo afduubtay darawal gaari Kadibna gubay Baabuurkii uu waday

Dableydaan hubeysan ayaa salaadii subax ka hor waxay weerar ku qaadeen goob dhisme ka socday Ismaamulka Mandhera Ee Gobolka Wuqooyi Bari Kenya.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in uu geystay khasaaro hantiyeed waxaana ay gubeen kooxda gaadiid loogu shaqeenayey dhismaha iyo agabkii meesha yaallay.

Al Shabaab ayaa la tuhunsan yahay inay weerarkaasi fuliyeen inkastoo weli aysan sheegan waxaana saraakiisha booliska ay baaritaan ku wadaan sida wax udhaceen.

Dadka deegaanka ayaa ku waabariistay saaka oo isniin ah gubashada goobtii dhismaha ka socday iyo agabkii oo waxyeelo la gaarsiiyey.

Tuulada Borhuul oo koonfurta Mandheera kaga beegan ayuu weerarkaasi ka dhacay iyadoo dableyda ay ka baxsadeen falka kadib goobtaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ka hor inta aysan gubin gaariga dableyda ay afduubteen darawalkii baabuurkaasi.

Dhinaca kale isla mandheera gaari khaat siday ayaa jidka loo galay markii rasaas ooda looga qaaday,lamana oga khasaaraha ka dhashay rasaastaasi.

Laamaha amniga waxay ka gaabsadeen in xog ka bixiyaan weerarkaasi iyo kii dhismaha lagu gubay inay isku xiriirsan yihiin oo hal koox fuliyeen iyo ink