AKHRISO WARBIXIN:- Xaggeen Farxadda ka heli karnaa?

Inta aan sheekada idin bilaabin aan waxoogaa hordhac kooban u sameeyo farxadda iyo sida lagu helo, Tan koowaad alle ayaa bixiya farxadda ciddii uu doonana wuu siiyaa. tan labaad qofkuna in uu faraxsanaado waxey ku xeran tahay dadka uu wax la wadaago iyo bii’adda uu ku nool yahay.
Falcelintii saaxiibo badan oo soo fikir-dhiibteen wey ku mahadsan yihiin qof walba sida ay la tahay ayuu u soo qoray mana jiro qof qaldan, bal akhri sheekadan kadib go,aanka adiga aya leh.

Sida dad badani og yihiin waxaan ahay macalin saxaafadeed mana ahi khabiir qoraa ah marka iga raali noqda haddii aan sheekada iyo qoraalkaba sidii aad fileyseen aad ka weyseen.

Goobtu waa meel siminaar uu ka socdo, waxaa siminaarka ka qeybgalaya 70 arday oo laga kala soo xulay magaalooyin kala duwan. tababarka waxaa cahar ka bixinaya nin barfasoor ah, wuxuu ardaydii u qeybiyay dhowr kooxood, koox kasta wuxuu siiyay BUUFIN tirada inta arday ee ay yihiin wuxuuna ku yiri qof kasta haku qoro/qorto magaciisa/magaceeda hana u isticmaasho qalinka sumadda ama calaamadda (mark pen). kadib markii qof kasta oo koox ka tirsan uu ku calaamadiyay magaciisa ayuu barfasoorkii ka ururiyay dhamaan buufanadii wuuna isku qasay wuxuuna geliyay qol wuuna ku soo xiray.

Wuxuu u soo noqday ardaydii oo uu hal meel isugu keenay wuxuuna ku yiri waxaad gashaan qolkaas qof walba haka raadiyo buufinkii magaciisa uu ku qortay waxaadna heysataan qaddar seddex daqiiqo ah.

Waa la kala cararay qolkii ayaa lagu cararay qof kasa raadin ayuu bilaabay buufinkii magaca ugu qornaa, waa leys riixriixay qaar baa kabta isaga istaagay qolkii wuxuu noqday mid fowdo ah. muran iyo buuq ayaa dhashay raadintii ayaa socota saacadduna waa dhag-dhag leedahay, qofba midka gacanta u soo gala haddii kiisa uu noqon waayo wuu isa sii dhaafiyaa ama dhinac ayuu u tuuraa.
Seddexdii daqiiqo waa dhamaatay iyadoon hal qof uusan helin buufinkii magaciisa/eeda ku qornaa.

Barfasoorkii ayaa ardaydii ku yiri mar haddii aad soo weydeen waxaad sameysaan soo ururiya buufinada hal qof u dhiiba hadba buufinka uu soo qabto magaca ku qoran ha yeeriyo hana siiyo qofkii lahaa.
Sidii ayaa la yeelay hal daqiiqo gudaheed ayuu qof kasta ku helay buufinkiisii. kadib barfasoorkii ayaa hadlay wuxuuna yiri” Run ahaantii tani waa dhacdooyinka nolosha aadanaha, qof kastaa wuxuu si waali ah u raadinayay farxadda ku wareegsan oo uusan garaneyn meesha ay ka xigto maxa yeelay haddii uu heli lahaa wuu farxi lahaa”.

Dulucda sheekada:
Farxaddeenu waxey beeneysaa farxadda dadka kale, sii dadka farxaddooda si aad adna farxaddaada u hesho.
Fadlan ha iloobin in aad u sheregareyso dadka aad jeceshahay, saaxiibada, qoyska iyo caruurta. laga yaabee in isbaddal ay ku keento. waa haddii sheekada ku qancisay.
W/Q Siciid Xagaa
Sxagaa@hotmail.com


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)