AKHRISO WARBIXIN:- Hunnu-hunnu hadal ma ahan

Shirkii Madasha hogaanka qaranka oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho 12-kii bishii Apriil ee sanadkii tegay oo ay ka qeyb galeen Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa Go’aanada shirka ka soo baxay waxaa ka mid ah habka iyo qaab dhismeedka doorashada, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen:-

– In la dhiso laba guddi doorasho oo kala ah guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer qaran iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer gobol,Guddiyada waxay ka koobnaan doonaan xubno ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada samaysan iyo kuwa la samayn doono.
Guddiga doorashada qaranka waxuu ka koobnaan doonaa 17 xubnood.
Guddiga doorashada ee heerka gobol wuxuu ka koobnaan doonaa 11 xubnood.
-In la dhiso Aqalka Sare ka hor intaan la dooran Aqalka Hoose.
Liiska oday dhaqameedyada xuli doona Aqalka Hoose ayaa ka kooban 135 qof.
Musharaxa u taagan doorashada waxaa dooran doona 50 cod bixiye. Guud ahaan ergada dooranaysa 275 musharax waxay noqonayaan 13,750.
30% boqolkiiba kuraasta Aqalka Sare oo matalaya dowlad goboleedyada waxaa loo qoondeeyay haween.
Waxaa la samaynayaa guddiga xallinta khilaafyada doorashooyinka 2016.

Intaa kadib waxaa la gudagalay fulinta doorashada Kuraasta Xildhibaanada Labada Aqal, taasi oo loogu magic daray Doorashooyinka Dadban, iyadoo inta badan Xildhibaanada Aqalka Hoose la dhamaystiray, kadibna waxaa isna la dhameystiray Aqalka sare, waxaana la doortay Guddoonka sare ee Baarlamaanka 10-aad ee ay yeelato Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana Guddoomiye loo doortay mar kale Maxamed Cusmaan Jawaari, halka Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Somaliya ay Cabdi Xaashi Cabdullaahi u doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka, Sidoo kale waxaa guddoomiye ku xigeennada 1aad iyo 2aad loo doortay Abshir Maxamad Axmed iyo Mowliid Xuseen Guhaad.Intaa markii la soo dhameystiray ayaa la guda galay in la diyaariyo sidii loo qaban lahaa Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana 24-kii bishan Janaayo ee sanadkan ayaa Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen in Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee ay goobjoog ka noqdaan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyay inay qabsoomeyso 8-da Bisha Febraay, iyadoo Guddiga ku howlan diyaarinta Doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda marka la gaaro sanadka 2020-ka ayaa soo dhoweeyay go’aanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Haddba muxuu ka yiri arrintaasi Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michal Keating?
Marka hore waa uu u bogaadiyay howllaha ay hayaan guddiyada doorashada, balse waxa uu ka digay in la musuq-maasuqo doorashada, wuxuuna soo dhoweeyay shaqada guddiga wadajirka ah ee doorashada oo uu sheegay in ilaa iyo hadda ay qabteen howl muhiim ah iyo sida ay uga go’antahay guddiyada in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda, waxaa kale uu soo dhoweeyay in lacagaha laga qaado musharaxiinta %50 loogu deeqo Abaaraha.

Wakiilka oo ka hadlaayay walaaca laga qabo suurtagalnimada musuq-maasuq ka dhasha doorashada ayaa waxa uu sheegay in uu rajeynayo in doorashada ay u dhacdo si wanaagsan.

“waa muhiim in musharaxiinta ay ilaaliyaan nidaamka Beesha Caalamka faragalin kuma sameyneyso doorashada mana dhexdhexaadinayaan hase ahaatee, haddii ay dhacdo in Madaxweyne lagu doorto musuq maasuq, waxa aanu sameyn karno waa in aanu la shaqeyn Madaxweynahaas, waxaase intaasi oo dhan ka muhiimsan sida ay Soomaalida u arkaan doorashada” ayuu yiri Mr Keating.

Guddiga Qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 26kii bishan shaaciyay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhaceyso 8-Bisha February ee sanadkaan , wuxuuna soo soo saaray qoraal caddeynaya wadada loo marayo Doorashada Madaxweynaha.

January 26-29, 2017: Waxaa bilaabanaysa diiwaangelinta murashaxiinta.

January 31, 2017: Murashaxiinta Dood Wadaag yeelan doonaan

February 2-5 2017: Khudbad jeedinta Murashaxiinta madaxweynaha

February 8, 2017: Waxaa dhaceysa doorashada Madaxweynaha.

Haddaba Soomaaliya waxay gashay Marxalad cusub, waxaa dhammaanaya 8-da bisha Febraayo ee sanadkan hunnu-hunnudii ka socotay dhammaan Dalka, taasoo ku saabsanayd goorta iyo waqtiga ay dhacayso doorashada Madaxweynenimo oo ay Dad badani hadba si u fasirta oo ay u dhigayaan sida ay iyagu jecel yihiin, waxaanse ugu dambeyntii leeyahay Hunnu-Hunnu hadal maahan.

W/D:- C/laahi Ruush


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)