AKHRISO: Waa dhab, isaga ayaa kaa mudan! Qeybtii Koobaad Sheeko Cajiib Ah

Waxa jiri jiray nin dadka suuqyada maraya biyo waraabiya, oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Biyoole; waxa uu goobaha ay dadku isugu yimaadaan iyo Suuqyada waaweyn la wareegi jiray Aashuun dhoobo ka sameysan, oo ay biyo qabow ka buuxaan, kuwaas oo uu ka iibiyo dadka ooman ee waddooyinka iyo suuqyada maraya,

Waxa uu ahaa nin ay dadweynuhu aad u jecel yihiin dabeecaddiisa wanaagsan iyo nadaafadda oo uu aad ugu wanaagsanaa awgood, waxa uu ahaa murti yaqaan dusha ka haya sheekooyinka iyo xikamadaha carabta.

Boqorkii beledka uu kuu nool yahay ayaa maqlay sheekada fiican iyo dabeecadda wanaagsan ee laga sheego Maxamed Biyoole; sidaas awgeed wasiirkiisii arrimaha dadweynaha ayuu u yeertay, isaga oo faray in uu u keeno ninka biyaha wareejiya suuqyada ee la yiraahdo Maxamed.

Wasiirkii siima daahin ee waxa uu galay in uu baadi-goobo Maxamed Biyoolaha boqorkiisu u baahan yahay; Suuqyada iyo golayaasha ay bulshada beledku ku kulanto ayuu cagta soo mariyey.

Wasiirkii waxa uu socdaba Maxamed Biyoole; waa soo helay, waxa uu keenay gurigii Boqortooyada, Maxamed Biyoole waa yaaban yahay, in wasiir soo raadshay, boqorna loo wado waa rumeysan la’yahay illeen waxa uu filayey ma aha, markii uu arkay dhismaha boqorku deggan yahay oo in uu bannaanga uga jeedo mooyee usan weligi cag soo dhigin ayuu xaqiiqsaday in Illaaheey la doonay nolol ka hagaagsan tii uu beledka gees ka gees biyaha ku iibinayey, oo ay timid xilli uu sugayey oo ah in Rabi wanaajiyo noloshiisa iyo tan qoyskiisa.

Boqorkii Salaan iyo isnabdeyn kadib waxa uu yiri: “Laga billaabo maanta wax shaqo ah oo aad ka qabaneyso bannaanka Qasrigan ma jirto, halkan ayaad ka shaqeyneysaa oo qasrigeygan ayaad joogeysaa, waxa aad waraabineysaa oo u adeegeysaa martideyda, waxa aad soo fariisaneysaa dhinaceyga oo waxa aad iiga sheekeyneysaa sheekooyinka fiican ee aad caanka ku tahay”.

Maxamed Biyoole; war kale oo u furan ma jiro, ee waxa uu yiri aqbal iyo guddoon, howsha u taal waa in uu ku noqdo gurigiisii oo ugu bishaareeyo xaaskiisa shaqada uu ka helay guriga boqortooyada Waddanka, muddo dheer ayay Alla tuug iyo duco ku jirtay, in Rabbi ninkeeda u sahlo shaqo fiican oo ku daboolo baahida iyo duruufta haysata qoyska iyo dadka kale ee ku nool dhaqaalaha ka yimaada biyaha uu wareejiyo ninkeedu.

Ducadaasi waxa ay ku begantay xilli ay samadu furan tahay, waxa u yimid saygeedii Biyoole; kadiba waxa uu u sheegay in uu ku biirayo shaqaalaha boqorka.
Warkaas fiicn ee loo sheegay iyo hodontinimada reerkeeda saboolka ah u soo hoyatay awgeed’ ayay garan weysay erey ay ku sheegto dareenkeeda.

WQ: Axmed Ciise Guutaale

La soco Q:2aad insha allaah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)