Akhriso:-Urur Soo Dhaweeyay Guushii Soomaliya ay Ka Gaartay Muran Badeedka

Ururka Jaamacadda Carabta  ayaa soo dhaweeyay  go,aankii  Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ay ku Go,aansatay in la qaado Muran badeedka u dhexeeya Dalalka  Soomaaliya iyo Kenya oo horay loogu gudbiyay Maxkamadda.

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-GHEIT  ayaa ammaanay Tallaabada Maxkamaddu ay qaaday  oo ah in Muranka Badda la furo taas  oo horay loogu gudbiyay Bishii August Sanadkii 2014.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay go,aanka labada dal ee Soomaliya iyo Kenya ay dacwadooda ugu gudbiyeen Maxkamadda Cadaaladda Adduunka si ay  ugu kala Baxaan qaanuunka Caalamiga ah, isagoo sheegay in Kenya iyo Soomaaliya ay yihiin labo dowladood oo daris ah xiriir wanaagsana uu ka dhexeeyo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)