AKHRISO: Su’aalaha la weydiinayo Musharaxiinta

Dooda Musharaxiinta ayaa ka socota  Xarunta golaha Shacabka  Muqdisho , waxaana ilaa iyo hadda Su’aallo la weydiiyay 3 Musharax .

Su’aalaha la weydiinayo Musharaxiinta ayaa waxaa ka mid ah

Waxa ay ku mudan yihiin in ay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya

Amnidarada dalka ka jirta waxyaabaha ay ka qaban doonaan

Sida ay ku xalin doonaan Dagaalada iyo colaadaha Sokeeye

Sida ay musuq maasuqa rakaadiyay Soomaaliya  ay kaga hortagayaan

Qorshahooda ku aadan Tayeynta Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Sida ay u mideynayaan umada Soomaaliyeed oo kala qeybsan

Sidee ayay dalka ku gaarsiin karaan doorasho qof iyo cod ah hadii la doorto

Sida ay u kala maareynkaraan Awoodaha Dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyada

Sida ay ku xalinayaan Khilaafka had iyo jeer soo gala dhex gala Ra’iisulwasaaraha iyo Madaxweynaha

Sida ay ku wajahayaan dhismaha Garsoor Caddaalad ah

Sidee Caalamka Xiriir wanaagsan ula yeelan karnaa anagoo ilaalsanayna danaheena

Sida ay ku Horumarinayaan dhaqaalaha dalka hadii la doorto

Hantida ay haystaan Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada

Waxaana Musharaxiinta ay haystaan Waqti isku mid ah oo ah 2 daqiiqo.

Waxaa Dhiman 20 Musharax


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)