Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kulanka ayaa dabajooga xeerkii shalay la horgeeyey golaha.

Golaha ayaa waxaa ay dood adag ka yeesheen xeerka matalaada gobolka Banaadir uu ku yeelan doono, Baarlamaanka soo aadan 11-aad.

Golaha ayaa lagu wadaa in maanta ay dib uga doodaan xeerka kuraasta gobolada Wooqooyi kasoo galaya Baarlamaanka  soo aadan iyo halka la dhigayo deegaan doorashadooda.

Kulanka ayaa kamid ah kalafadhigga 7-aad ee golaha shacabka Baarlamanka federaalka Soomaaliya, waxaana golaha horyaallo arrimo dhowr ah, sida dib u eegista dastuurka.