Home WARARKA Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha ee Khudbadahooda Maanta Jeedinaya

Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha ee Khudbadahooda Maanta Jeedinaya

3
0

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka  Soomaliya  iyo Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti  ah ay dhageystaan Khudbadaha Musharixiinta Madaxweynaha Cusub ee dowladda Soomaliya.

Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya ayaa gaaraya 24-musharax waxaa loo kala qeybiyay 3-qeyb oo min sideed xubnood ah, maalin walba waxaa hadal jeedin doono 8-xubnood , waxaa lasoo gaba-gabeyn doonaa 5-ta bishaan February oo ku beegan maalinta axad ah.

Eng C/laahi Cali Xasan oo kamid ahaa Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa saakay ku dhawaaqay In uu iscasilay islamarkaana uu taageero doono musharixii kusoo baxay xilka madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

Xubnaha maanta hadal jeedinta sameynaya waxaa ugu saameynta badan madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Faroole), iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame oo sameyn ku leh Siyaasadda Soomaliya.

Magacyada Xubnaha hadalka jeedinaya maanta

C/naasir Cabdule Maxamed

C/raxmaan C/shakuur Warsame

C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Faroole)

C/laahi Cali Axmed(Cadow Cali Gees)

Eng C/laahi Cali Xasan

C/laahi Cilmi Mooge Xirsi

C/qaadir Osoble Cali

Cali xaaji Warsame

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here