Akhriso Khudbadaha Musharixiinta oo Maanta Lasoo Gaba-gabeyn Doono Farmaajo VS CCC

Maanta oo Axad ah xildhibaanada Labada Gole ee Dowladda Federaalka waxaa khudbado ka horjeedin doona 8 Musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharax kasta oo khubadiisa jeedinaya ayaa waxa uu xaq u heli doonaa 30-daqiiqo, si la mid ah Musharaxiintii horey u jeedisay khudbadaha.

Khudbadaha Musharaxiinta ayaa waxa ay si toos ah u bilaaban doontaa 09:30 subaxnimo, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa waxa ay sheegeen maanta oo Axad ah in ay khudbado jeedin doonaan ilaa 8 Musharax, kuwaas oo kala ah:-

1.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

3.Maxamed Axmed Jabarti

4.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

7.Maxamed C/risaaq

8. Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil

Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo khudbad jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama horey khudbadahooda loo soo dhageystay 15 Musharax.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)