AKHRISO: Khudbada uu jeediyay Musharax C/raxmaan C/shakuur oo dhainacyo badan taabaneysay

Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kamid ah Musharaxiinta Maanta Baarlamaanka Soomaaliya ka Horjeediyay Qudbadda ay uga hadlayaan Wax qabadkooda ayaa sheegay in haddii uu noqdo Madaxweyne uu wax badan ka qabanayo Arrimaha Amniga iyo Hormarinta Siyaasadda Dowladda.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Soomaaliya uusan Ammaan ka jirin islamarkaana Markii la waayay Ciidan Shaqeeya Wadooyinka Muhiimkaa la dhigay Askar Jiifa oo uu ula jeeday Dhagxaanta iyo Askariga Jiifa ee la dhigay Wadada Hormarta Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Afartii Sano ee la soo dhaafay ay la dilay 18 Xildhibaan iyo in ka badan Afartan  Sargaal iyo Saxuufiyiin.

Qudbadda C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa kamid ahaa inuu Tayeen doono Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu siin doono Xaquuqda ay leeyihiin.

Sidoo kale waxaa Baarlamaanka iyaguna Qudbadd ka jeediyay Dr C/naasir Maxamed Cabdulle iyo C.raxmaan Sheekh Maxamed Faroole


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)