Afgooye oo Saakay 1-dollar Lagu Sarifayo 12 oo Shillin Soomaali ah+Dhageyso

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaliyeed ayaa walaac xoogan waxa ay ka muujiyeen isbadalka ku yimid Sarifka Lacagta dollar oo haatan maraya meeshii ugu hooseysay.

C/qaadir Ciise oo kamid ah Ganacsatada Sarifka Degmada Afgooye oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay saakay in uusan jirin wax sarif ay sameynayaan Ganacsatada islamarkaana uu jiro jahwareer ka dhex taagan shacabka iyo Ganacsatada Sarifleyda Degmada.

Waxa uu sidoo kale sheegay C/qaadir Ciise oo kamid ah Ganacsatada Sarifka Degmada Afgooye in saakay 1 dollar Degmada afgooye lagu sarifayo 12 oo shillin Soomaaliga ah, halka markii horey lagu Sarifaayay lacag gaaraysa 23-kun oo shilling Soomaliga ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)