Adeegii Internet-ka Fiber Optica oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Koonfurta Somaliya

Warbaahinta qaarkood ayaa inoo xaqiijiyey in 10:00 Barqanimo Ee Maanta isniin Ah dib loo helay Adeegii Internet-ka Fiber Optica oo muddo 25 Cisho kudhawaad ka maqnaa Deegaanada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaacisey in maanta dib loo fasaxay Adeegii Internet-ka oo muddo ka maqnaa Deegaanada Koonfurta.

Shalay Axadii ayaa si laciif ah ay dadku uheleen gelinkii dambe oo qaab tijaabo ah lagu sii daayey,waxaana dad badan oo aan kala hadalnay Muqdisho iyo Gobollaa Koonfurta aysan weli ku baraarugin in Internet-ka lasoo daayey.

24-kii Bishii Hore Habeenkii Ciida soo galesay ayaa la waayey Internet-ka taasi oo Caqabad badan ay dadka la kulmeen intuu Maqnaa.

Dadka qaarkood ayaa ku farxay dib usoo laabashada Adeega Internet-ka Fiber Optica,waxaana Dawladu sheegtay in malaayiin Dollar la khasaari jiray maalin walbo inta Adeegaan uu maqnaa.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa ka mid ah meelaha lagu cadeeyey in Maanta barqadii uu dib usoo laabtay Adeegaasi Internet-ka ee ka maqnaa Muqdisho iyo deegaanada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Kudhawaad 6 Milyan qof ayaan adeegaan isticmaalin muddo 25 Cisho ah sida la xaqiijiyey oo deegaanadaasi ku dhaqnaa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)