Abaabulka dibed bax weyn oo caawa laga dareemayo Muqdisho & Xog ku aadan

Banaanbax balaaran ayaa lagu wadaa in maalinta berri uu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasoo lagu taageerayo codsigii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay furitaanka kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Somalia.

Farmaajo ayaa ka codsaday Labada Aqal ee Baarlamaanka iney ansixiyaan xubnaha lagu kordhinayo aqalka sare ee metelaya gobolka Banaadir si uu muraayad ugu noqdo dhammaan shacabka Soomaaliyeed

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaranka ee loo yaqaano Xooggaga Waddaniyiinta ayaa caawa isla wada qaban qaabada banaanbaxaas.

Ugu yaraan afar goobood ayaa loo diyaariyay in dadka dibad baxayaasha la isugu keeno, iyadoo jidadka loo xiri doono inta banaanbaxu socdo, waxaana maamulada degmooyinka lagu wargeliyey iney diyaariyaan dadkii banaanbaxaas ka soo qeyb geli lahaa.

Ammaanka taalada Daljirka dahsoon iyo goobaha kale ee la filayo inuu saameeyo banaanbaxaas ayaa si weyn loo xoojiyey caawa, waxaana la dhigay ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, iyadoo la filayo iney banaanbaxaas khudbado ka jeediyeen masuuliyiin ka tirsan DF iyo maamulka gobolka Banaadir.