4 Sifo oo ay leeyihiin Taageerayaasha Farmaajo & Kheyre iyo 3 Sifo oo ay caan ku yihiin Mucaaradka Dowladda+ Tallo muhiim ah!!

Soomaaliya waxay leedahay dowllad Federaal ah,waxaana dalka ka jira maamullo kala duwan oo haddana leh siyaasado si un issu-diidan,taaso ah dhibaato ay wajahayaan shacabka una baahan xal deg-deg ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre,waxay heleen taageeradii ugu badneyn ee shacabka Soomaaliyeed,waana fursad u baahan in loo dhowro sidii UKUNTA oo kale.

Shaki kuma jiro,in dowllad kasta ay shacabkeeda kala kullanto taageero iyo mucaarradad wada-jira,waayo, qaabka ay dadka Soomaaliyeed wax ku cabbirayaan waxaa ugu horreeya halbeegga Qabyaaladda.

Dadka taageersan dowladda hadda jirta waxay halbeeg ka dhigteen Waddaniyad,iyagoo Farmaajo iyo Kheyre u arka halyeeyo u qalma hoggaaminta dalka,si loo gaaro nabad waarta.

Halka dadka dhaliilsan dowladda dhexe ay iyana halbeeg ka dhigteen Qabyaallad iyo Fudeed ay ku eedeeyeen madaxda sare ee dalka.

Haddaba,shabakadda wararka ee baahin.com ayaa qaadaa-dhiggeysa qodobo muhiim ah dalka Soomaaliyeed,iyo tallooyin muhiim u ah shacabka taageersan iyo kuwa dhaliilsan dowaldda dhexe.

SHACABKA TAAGEERSAN DOWLADDA DHEXE

1-Waa inay oggolaadaan kala arragti duwanaashiyaha dadka,waayo, waa dhaqan soo jireen ah in dowllad walba ay yeelato Mucaarrad,hana iloobin in bani’aadamku ay siyaabo kala duwan wax u cabbiraan.

2-Kala fogaansho ayay abuureysaa in qof walba oo si un u dhaliilsan dowaladda lagu sifeeyo, KHAA’IN,waana muhiim inaan meel looga dhicin sumcadda qofka,taas baddelkeedana la tashkiiliyo oo la kasabado mucaarradka.Hana iloobin in la wada leeyahay dowladda oo aanan qofna laga xigin.Adigane ma tihid Maxkammad wax xukmisa oo ilaalisa Afka dadweynaha.

3-In aysan iloobin dhibaatada ka jirta Soomaaliya iyo in dalka uu weli ku jiro dareen Qabyaaladeed,-ma difaacayo Qabyaallad,waana wax wanaagsan in qaranka loo hiiliyo laakiin dowaladda jirta ayaaba ku dhisan nidaam kooxeedka 4.5.Sidaas darteed,Iyadoo la yahay kala Qabiil iyo maamul ayaa haddana lagu noolaan karaa walaalnnimo iyo Nabad.

4-Ha caayina madaxdii hore,waayo shacabka qaar ayaa si aad u taageersan,inaad hoggaankii hore sabab la,aan dhaliisho ayay ka dhalaneysaa in sidookale adna laguugu diido madaxda aad jeceshahay.

SHACABBKA DHALIILSAN DOWALADDA DHEXE

1- Xaq ayaad u leedihiin inaad wax mucaaraddan oo aad cabbirtaan fikirkiinna,waana nidaamka lagu baaqo ee dimuquraadiyadda casriga ah,laakiin ma haboona in la aflagaadeeyo madaxda ama la dhiiro-geliya Qabyaaladda.

2-Waa in aan qof ama koox lagu nicin halka ay kasoo jeedo,lana dareemo in xilka uu yahay meerto oo xilli kaste uu ku fariisan karo Qof ka dhashay Qabiil oo ah wax la’isku garto laakiin aan aheyn dhibaato laga hor-teggo.

3-In fursad la siiyo dowladda hadda jirta,kadibna la sheego dhaliisheeda marka ay hesho fursad ku filan.Baahin.com lama jirto koox gooni ah,waana soo dhoweyneysaa arragtiyaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Waad ku mahadsan tahay inaad daalacato shabakaddan wararka ee Baahin.com, Share-na sii dheh maqaalkan si uu u gaaro bulshada kale.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Soomaali-doone says:

    Soomaaliya maanta uma baahna mucaaradnimo macnodaro ah, Soomaaliya maanta uma baahna wax kala qayb qaybiya. waxay u baahantahay wax isukeena. iyo wax taageera oo kaliya
    WAXAAN NAHAY SIDII RUUX CEEL KUDHACAY OO GUNTIISA HOOSE KU DHIBAATEYSAN UNA BAAHAN IN CEELKA LAGA SOO SAARO SI UU NOLOL U HELO ,ruuxaasi ma xamilikaro mucaaradadid iyo figrado kalaqeyb qeybsan.
    OGOW Qabyaaldu waa tan meeshaan na dhigtay!