Sida Ugu Fudud Oo Aad Wax Ku Baran Karto Iyo Qiimaha Waxbarashada (Aqri)

Waa Maxay Waxbarasho?

Waxbarashada waa gundhiga iyo aas`aaska aadamaha waana kobciyaha maanka iyo maskaxda qofka.
Waxbarashadu waa ku hagaha bini`aadamka tubta toosan, hormuudka iyo horumarka noolasheena waana shay qaaliya ah oo uu qofku aadamiga ahi ka maarmi karayn waayo waxay kuu suuro galisaa waxyaalo badan oo ay kamid yihiin, akhrinta, qorista iyo kala tusaaleenta wixii xun iyo wixii san.

Diinta islaamka waa diin iyada oo dhan ah aqrin iyo qoraal ah waxaana cadeyn u ah.

Ayadii ugu horeysay ee soo dagta quraanka kariimka waxay aheyd mid Rasuul keena maxamed (NNKH) lagu amraayey inuu wax aqriyo. Alaah subxaana watacaalaa waxa uu yiri . “akhri adiga oo kaa shanaya magaca rabigii adiga ku abuuray“ (Suurada iqra, aayada 1 koowaad). Suuradaan waxaa sidoo kale lagu xusay qalinka oo ah bilowga iyo hormuud waxbarashada.
Si uu Eebbe inoo tusiyo ahmiyadda uu cilmiga u hayo wuxuu nebiga ( NNKH) faray in uu Alle ka baryo in uu aqoonta u kordhiyo, wuxuuna yiri (وقل رب زدني علماً ) طه/114) – “Dhehna (Nebiyoow) ‘Rabbiyoow aqoon ii kordhi’”.
Diinta Islaamku waxay sidoo kale dadka ku boorisay in ay wax bartaan, aqoontana dalbaan, wuxuuna nebigu NNKH kaga dhigay faral dalbidda cilmiga muslim kasta. Wuxuu kaloo nebigu yiri:
(( سَيَأْتِيكُمْ أَقْوَامٌ يَطْلُبُونَ الْعِلْمَ، فَإِذَا رَأَيْتُمُوهُمْ فَقُولُوا لَهُمْ مَرْحَبًا، مَرْحَبًا بِوَصِيَّةِ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ )) [ ابن ماجه، الترمذي ] – “Waxaa idiin iman doona qoom dalbaya oo doonaya aqoon kororsi, haddaad aragtaan waxaad ku dhahdaan ‘Soo dhawaada’, ‘Ku soo dhawaada dardaarankii Nebiga NNKH’” [Waxaa soo saaray Ibnu Maajah iyo Tarmidi]. Waxaa xadiiska laga dheehan karaa in qofka cilmi dalbashadu ka dhabta tahay loo fududeeyo wixii haleeshiin kara kasbashada aqoontii uu rabey.

Sideen wax ku baran karaa?

Noolasha Bini`aadamka waxay ka kooban tahay labo qeybood oo kala ah dhisida aqoonta iyo dumiska noolasha shaqsiga. Qof waliba waxa uu mas`uul ka yahay naftiisa waxuuna faraa noolashiisa inay kamid noqoto mid kamida labada dabaqad ee noolasha Bini`aadamka dumis iyo dhisida aqoonta.
Hadii aad rabto inaad kamid noqoto bahda dhisada aqoonta oo aad rumeyso himalada fog ee noolashaada waxaa qasab kugu ah inaad muhiimada koowaad iyo labaad siiso waxbarashada si aad u gaarto guusha noolashaada.
saaxiib la noqo dadka waxbarta waliba kuwa waxbarashada jaceyl oo dhab ka tahay inay waxbarashada ka gaaraan meesha ugu sareysa.

Samee aqri badan

Maxaa aqrinta badan waxay dhistaa oo ay kobcisaa garaadka iyo maskaxda qofka Wax akhrisku wuxuu wanaajiyaa shakhsiyada qofka waayo qofka wax akhrintiisu badantahay waxa uu yeeshaa khibrad u diida in uu ku dhaco fal cawaaqibkiisu xun yahay.
Ardayda wax akhriska badan waa ku wa kaalmaha koowaad kaga jira iskuulada iyo meelaha wax lagu barto. Waxaa kale oo dhacda in ardayda Akhriskoodu badan yahay ay ka aqoon bataan macalimiintooda.
Wax akhriska waxaa uu dhisaa ereyada luuqada aad wax ku akhrinayso, waxaa kaloo uu dhisaa fahamka qofka.
Dhanka caruurta wax akhrisku wuxuu koriyaa caruurta caqligooga iyo aqoontooda guud. Waxa ay ka helaan erayo cusub marka ay akhrinayaan buugaagta taas oo dhista aqoonta luuqadeed.
Aqrinta badan waxay kor u qaadaa aqoonta guud qof waliba inta uu qofka kale ka aqris badan yahay waa ka aqoon badan yahay.

Samee qoraal badan

Maxaa yeelay qoraalku waa shay aad iyo aad u muhiim ah waana shay jira in badan, boqolaal kun oo sano ayuu jiri karaa qoraalka. TUSAALE waxaa u ah in KUTUBka qur’aaanka kariimka in uu yahay mid qoran sababtuna ay ahayd markii Abuu bakar radiyalaahu canhu uu go’aamiyey uruurinta qur’aan ka iyo qoristiisa oo ka qaadatay mudo. Markii uu abuubakar go’aankan qaadanyey waxaa ay ahayd markii ay SHAHIIDEEN asxaab badan oo qur’aanka dusha ka hayeysay. TUSAALAHA labaad waa SUNAHA NABIGA SALALAAHU CALAYHI WASALAM oo isaguna ay tahay mid qoran oo haadaney qornaan lahayn dad badani ay diinta wax ku dari lahaayeen ama wax ka badali lahaayeen. Waxaanu odhan karnaa qoraalku waa xigmad rabaani ah.
WIXII LA QORAA QURUUMO HAREE MUXUU HADAL QIIMO LEEYAHAY, aduunyada aqoonta taala waxa lagu soo gudbiyey hab qoraal. Taariikhda dunida waxaa lagu soo wariyey hab qoraal kala duwan haday ahaan lahayd sawir gacmeedyo ama far qoran. Waxaan la soconaa farta faraacintu inay tahay faraha aduunka ugu da’da weyn Sababtuna ay tahay qoraalkeeda oo la keediyey.

Faa`idada Waxbarashada

Aqoonta qofka waxay ku hogaamisaa inuu noqdo shaqsi ixtiraam badan oo wax soosaar leh dhowrana xuquuqda aadamiga iyo xorriyadda qofka ee aasaasiga ah.

Cilmiga waxa uu qofka ka dhisaa dabeecadaha iyo aadaabta suubban ee qofka iyo la dhaqanka bulshada.
Dadka cilmiga leh waxaa u diyaara derajo sarraysa, diinta dhexdee, wuxuu Eebbe leeyahayيرفع الله الذين آمنوا منكم والذين أوتوا العلم درجات ) المجادلة/11 ) – “Eebbe wuxuu dallacsiiyaa kuwa iimaanka leh iyo cilmiga loogu deeqayba”.

Badi dadka wax akhriyaa waxaa ku yar qabyaalada waan garan karnaa sida qabyaaladu ku tahay bulshadeena dhexdeeda.
Fadlan waxbaro aan qabyaalada iyo dib u dhaca ka xoroownee.

Gunaanud

la soco waxbarasha malahan yaraan iyo weynaan xilli walba waxbarashada waad bilaabi kartaa mar marsiyo kuuma noqonayso waan waynaaday.
Hadii aan waxbarano waxaa hubaal ah dadka aan la nool nahay inaan wax la qabsaneyno dalkeena aan gaarsiin karno horumar buuxa.
Maxaa yeelay aqoonta waa dawada lagu dilo jahliga iyo faqriga bulshadii waxbarashada qiimeysa oo waxbarata wax gaaraan barwaaqo iyo baraare. Murti Soomaaliyeed oo oranaysa ayaa jirta, wax barta aan barwaaqo gaarnee.

W/Q. Faysal Aseyr Mohamed


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)