Xildhibaan sheegay in Ergadii soo dooratay u yeereen Al-Shabaab+Dhagayso Xog cusub

Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xilligaan Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dalka,isla markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay waxka qabato.

Waxa uu sheegay in haatan ay mareyso in Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka ay u yeeraan Al-Shabaab,isla markaana Ergadii isaga soo dooratay ay ka mid yihiin kuwa ay u yeereen Al-Shabaab.

“Runtii waxan maqlay in dhamaan ergadii nasoo dooratay loo yeeray,aniga hadda idinla hadlayo ergadii i soo dooratay waxaa ay ku sugan yihiin deegaanka Iidaale oo looga yeeray,marka waxaana rabaa in Al-Shabaab aan u midowno lana dagaalano ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Hadalka Xildhibaan Afaraale ayaa kusoo aadaya xilli horay loo dilay qaar ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka,waxaana dilalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-Shabaab.



Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com