Saddex sano ayuu xaaskiisa ka dhuumanayay balse si lama filaan ah ayey u aragtay

Haweenay u dhalatay dalka Hindiya ayaa seygeeda oo maqnaa muddo saddex sano ah ku aragtay barta TikTok.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu qoyskiisa ka tagay 2016-dii.

Mid ka mid ah qaraabada haweenaydan ayaa markii ugu horreysay aragtay muuqaal uu ninkan ka soo dhex muuqday.

Booliska ayaa sheegay in lammaanahan ay hadda dib isugu noqdeen kaddib markii ay wadahadal la sameeyeen.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Suresh, ayaa ku noolaa gobolka Tamil Nadu, halka ay xaaskiisa ku noolayd magaalada Viluppuram.

Xaaskiisa ayaa booliska ugu wargelisay arrinkan, iyada oo buuxisay warqadaha dadka maqan balse dadaal badan kaddib waa lagu guul daraystay in la helo.

Barta TikTok, ayaa waxa aad u isticmaalo dad badan oo ku nool dalka Hindiya.

Dad ka badan 120 milyan oo ku nool dalka Hindiya ayaa isticmaalo barta TikTok.

Bishii April ayaa maxkamad ku taala gobolka Tamil ku xukuntay in barta isticmaalkeeda la mamnuuco kaddib markii la sheegay in lagu faafiyey arrimo anshax xumo ah.

Balse mamnuuca ayaa laga qaaday isbuuc kaddib.

Xigasho BBC


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com