Nin da`ah oo ku dhex dhintay shimeeno uu ku daawanayay filim cabsi ah dalka Thailand

Mid ka mid ah shimeenooyinka ku yaala dalkaasi Thailand ayaa waxaa laga dhex helay meydka nin 77 jir ahaa oo u dhashay dalka Britain kaas oo la sheegay in uu u dhintay film cabsi ah oo uu ku dhex daawanayay dhineemada.

Filmka dilka sababay ayaa lagu magacaabaa «Annabelle Comes Home», waxaana shimeenada uu ka socday ku taalay magaalada Pattaya.

NInkan dhintay oo keligiis ahaa ayaa waxaa meydkiisa ku dhex arkay shineemada m id ka mid ah daawadayaasha fimlka oo garabkiisa fadhiyay, waxaana dhimashadiisa lagu xaqiijiyay isla goobta markii nalka la shigay, dhakhaatiirtuna timid.

Booliska si buuxda uma aysan xaqiijin sababta keentay dhimashada ninkan, marka laga reebo hadal-haynta dadka ee ah in uu u geeriyooday filmkaas cabsida ah.

Baaris ayay boolisku ku wadaan meydka ninkan, mana tuhunsana in faldambiyeed uu ka dambeeyo dhimashada ninkaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com