Maxaa iska badelay xaaladda doobilihii BBC-da u sheegay inay qoyskiisa dayrin rabaan

Labo bilood kahor waxay Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da sheeko ka sameysay Sidiiq Faarax Haybe oo ah wiil ka yimid qurbaha haatanna ku nool magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, isagoo ku shaqeysta xirfadda doobiilenimada.Sidiiq ayaa la kulmay caqabado badan oo kaga yimid bulshada iyo qaar ka mid ah qaraabadiisa oo ku dhaliilaya xirfaddiisa, sheegayana inaanay u qalmin oo uu meel kadhac ku wado.

Haddaba maxaa haatan iska beddelay xaaladda Sidiiq tan iyo markii BBC-du faafisay sheekadiisa?

“Kaddib waraysigii BBC-da waxaa ii suura galay wax badan, goobtayda ganacsiga waxay noqotay meel adduunka oo dhan laga garanayo, Soomaali badan iyo gaar ahaan dhalinyaro badan ayaa taageero badan ii muujiyey.” Ayuu yiri Sidiiq.

Xirfadaha ayaa qeyb ka ah nolosha aadamaha, iyada oo ay dad badan ku tiirsanyihiin balse dadku isku si uma arkaan shaqooyinka ama howlaha ay qabtaan dadka.

Sidiiq Faarax Haybe, ayaa horay xirfaddiisa kasoo wajahay dhibaato xaga qoyskiisa ah, taasoo keentay in xitaa ay qoyskiisa ay ugu hanjabaan inay deyrin doonan.

” Dagaalkii ay qoyskayga igu wadeen 90% uu istaagay reerkiina la igama saarin, waxayna ii sheegeen inay qalad ahayd inaan dhaho qoyska ayaa la iga saarayaa balse aniga culayska I hayey Ayaan jeclaystay inaan dadka u bandhigo.” Ayuu yiri Sidiiq.

Sidiiq waxaa waraysigii uu siiyey BBC-da kaddib casuumay madaxweynaha deegaanka.

Madaxweynaha waxa uu igu marti qaaday xaruntiisa madaxtooyada kaddib markii si weyn looga falceliyey warbixintii ay BBC-da sii daysay, madaxweynaha waxa uu gartay inay dhiiragelin u noqonayso dhalinyaro badan oo ku yar shaqooyinka noocan oo kale ah, wuxuuna madaxweynaha ii balan qaaday qalab dharka laga dhaqo oo lagu hormarinayo ganacsigayga.”

Xigasho BBC


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com