Gabadhii Gaalkacayo ee ninka lagu sheegay : Dhibbane mise dambiile?

Magaalada Gaalkacayo waxa lagu soo bandhigay muuqaal baraha bulshada muran ka dhaliyay,muuqaalkan waxa ka muuqday Gabar booliiska ay sheegeen in ay kusoo qabteen hub iyo wax yaalo kale oo siyaabo kala duwan loo fasiray.

Sharaxaadda Booliiska

”Saacaddu markii ay ahay 10 barqanimo, waxan soo qabanay nin lagu magacaabo Deeqo,sida aad arkaysaan,magaciisana ninimo uu ku sheegto,magaciisa dhabta ahna la yiraahdo Deeqo Cabdullaahi Aadan oo in mudo ah magaaladan ku noolayd matalaysay in ay nin tahay,dumar badana xariir la yeelatay,sidaas aragtaana hubaysan,mudo badan kadib ayaan soo qabanay,baaritaan dheer kadibna waxan ogaanay in ay gabar tahay” sidaas waxa warbaahinta u sheegay mid kamid ah saraakiisha Booliska Galmudud.

Deeqo waxay iska fogaysay kiiskan iyada oo ku sugan goobta Boolisku warbixnta ku siiyay warbaahinta, ”Dumar ayaan ahay hubka waxaan u watay, dukaan ayaan leeyahay ku yaala meer ka baxasan magaalada,cidna wax kuma yeelo,gabadhan iyo canug ay wadato guriga ayaan ku badbaadiyay iyada oo nafteeda haligaysa” sidaas waxa warbaahinta u sheegtay Deeqo oo ah gabadha kiiskan lagu eedeeyay.

Maxaa dhacay kadib?

Saacado badan ma qaadanin intii ay dhacdadan ku faafaysay baraha bulshada, waxayna noqotay hadal heyska-maadeyska iyo xanta ugu weyn ee ay Soomaalida hadal heyso.

Balse dhibka jira ayaa ah waxyaabaha tirada badan ee ka dhalan kara arrintan, oo ay ugu horeyso illaalinta xuquuqda asaasiga ah ee qofkani dumarka ah, gaar ahaan sharafteeda qofnimo iyo amniga nafteeda iyo tan reerkeeda.

Marka koowaad waxaa cad in gabadhan ay kaliya la tahay ‘la tuhmane’ oo aysan illaa hadda jirin maxkamad sharci ah oo ku caddeysay kiiska lagu heysto, balse waxa ay hadda u egtahay in lagu maxkamadeeyay, dambigiina lagu kadib markii la saaray maxkamad dadweyne ka hor maxkamaddii rasmiga ahayd. Taas oo micnaheedu yahay in warbaahinta qeybaheeda kala duwan lagu baahiyay kiis xasaasi ah, iyada oo la isticmaalayo sawiradeeda iyo magaceeda rasmiga ah.

Xasan Ibraahim Saajin waa garyaqaan Soomaaliyeed oo degen dalka Denmark, waxa uu BBC-da u sharxayaa tallaabooyinka ay tahay qaanuun ahaan in la maro marka kiiskan oo kale uu dhoco ”Sharciyan qaanuunka aynu dhiganay waxa haboon in qofka marka hore ee la soo qabto la asturo,in aan laga hordhicin maadaama uu qofkani yahay qof daciif ah inta aan maxkamad xukumin,taasina waa sida ay diinteenu qabto caqli badan uma baahna,talaabadani waxay keeni kartaa in dawladda magdhow laga qaado hadii laga hordhaco waayo dawladdu ma oga in qofkan kiiskan ku cadaanayo,boolisku waxay soo bandhigayaan cadaymaha laakiin xaakimka ayaa qaadaya kiiskan”.

Booliiska Soomaaliya ayaa caado ka dhigta in ay warbaahinta usoo bandhigaan dadka ay dambiyada kusoo qabtaan, iyada oo aan xitaa baaritaan dheeraad lagu samaynin kiiska, islamarkaasna aanan maxkamad la geynin.

Khaalid Foodhaadhi waa saxafi ku sugan magaalada Hargeysa, muddo sannooyin ah ayuuna la socday dhacdooyin ay booliiska soo bandhigaan, wuxuuna qabaa sidan “Booliiska malaha waxa ay la tahay dadku ha idin aaminaan, waa I tus oo i taabsii oo kale arrintoodu, hase ahaatee haddii booliisku ogyihiin in aan la aaminsanayn waxaa qurux badan in iyagu shaqada iska daayaan, mana ahan si la ii aamino in aan qof kale sharaftiisa ku xad gudbo”.

Maxkamadda warbaahinta

Warbaahinta waa shaashad dadka oo dhan ay iska dhex arkaan, waxa ay faafisaane waxaa inta badan loo qaataa in ay sida ay u sheegtay wax u jiraan, sidaasi darteed waxaa markasta saxafiyiinta la faraa foojignaan dheeri ah in ay lahaadaan marka ay tabinayaan dhacdooyinka sida ay BBC-da u sheegeen quburo saxaafadeed.

Siciid Sheekh Abubakar oo ah tifaftire ka tirsan wargeyska Asharq Al-Awsat iyo shabakadda Aljazeera, degenna magaalada London ayaa sidan u sheegay BBC-da ” Sida caalamka sharciyan waxa ma haboona in qofka dhibanaha ah sawiro laga qaado,hadii usan qofku isagu u ogolaanin isla markaana aysan ahay sawiro dhib u gaysanaya qofka daawanaya,dhacdadan waa mid aad u culus,kumana fiicna dhanka bani’aadanimada in qofka inta aan maxkamad la saarin oo aan xukun ku dhicin lagu baahiyo baraha bulshada”.

Arrintan dhacday ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli maanta baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay xeerkii saxaafadda, kaas oo ay ku qoronyihiin qodobo badan oo xoojinaya anshaxa saxaafadda.

Si kastaba ha ahaatee, dad kala oo aan la hadalnay ayaa waxaa la’isku raacay in ay u badantahay in Deeqo ay tahay qof dhibbane, gaar ahaan marka la cuskado xaqiiqda ah in aysan jirin maxkamad ku heshay dambiga lagu eedeeyay, islamarkaasna bulshada lagu dhex fadeexeystay.

Khaalid Foodhaadhi waxa uu qabaa in ay dhaceen dhacdooyin badan oo dad badan sharaftooda lagu dilay, warbaahintuna aysan waxbo ka baran dhacdooyinkii hore , kuwaas oo uu tibaaxay in ay ku dambeeyeen in ay noqdeen kuwa waxbo kama jiraan ah.

“Warbaahinta dadkii ay u adeegeysay haddii ay maalin kasta dambi ka gashaa, waxay noqonaysaa saxaafad dambi faraha kula jirta, waxa iyadu dambiyada qaar uga warantaana ay tahay waxbo yahay, warbaahinta Soomaalida waxaa la gudboon in falalka noocaan oo kale ah ay mas’uuliyad dheeraad ah iska saaraan” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay saxafi Khaalid.

Xigasho BBC


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com