Dhageyso”Madaxweyne Axmed Madoobe oo shir gudoomiyay shirka Golaha amniga Jubbaland+Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Amniga Jubbaland oo Kismaayo ka qabsoomay.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Amniga Jubbaland kaas oo diirada lagu saaray sidii dhamaan Hay’adaha Amnigu iskaga kaashan lahayeen sugida nabadgalyada Jubbaland.

Madaxweynaha iyo Hay’addaha amaanka ayaa ka dooday si lagu xaqiijin karo amaanka deegaanada Jubbaland oo haatan doorasho ku soo food leedahey.

 

Axmed Madoobe ayaa Hay’addaha amaanka ku booriyay how galada ay ka wadaan deegaanada Jubbaland oo uu ugu dambeeyay kii ay ka sameeyeen deegaanka Beerxaani ee Gobolka Jubbada Hoose.



Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com