Dhageyso:-Wadahadalladii xalinta xiisada Baladweyne oo fashilmay & Xiisad caawa ka tagan Gobolka Hiiraan

Weli waxaa taagan xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) hayeeshee uu kasoo horjeestay xilka qaadistaas.

Xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaano iyo  Wasiiro ka tirsan  Hir-Shabeelle ayaa ku guda jiray xalinta xiisadaas,waxaana Maanta ay ku dhawaaqeen inay fashilmeen wdahdaladaas, kadib kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday Baladweyne.

Wasiir ku xigeenka Beeraha Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) iyo  Xildhibaan Cabdiwaaxid Axxmed Cumar Wadaad Yare oo shir Jaraa’id ku qabteen Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in 20 Maalin kadib aan wax natiijo ah laga gaarin xalinta xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan.

Waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya,Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Xildhibaanada labada Aqal Gobolka Hiiraan ku matala iany xiisadaas soo farageliyaan,isla markaana xiisada ay haatan mareyso meeshii ugu xumeed.

Hoos Ka Dhageyso shirka Jaraa’id ee Xildhibaanada Maamulka Hir-Shabeelle.



Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com