Dhageyso:- Taliska Booliska Soomaaliya oo Mas’uuliyiin u xir xirtay musuq maasuq

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay faah faahin ka bixiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda & Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska qeybta Canshuuraha oo dhawaan loo xiray falal la xiriira musuq maasuq ay ku kaceen.

Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Bariga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise  ayaa sheegay in hoggaanka baarista dambiyada ee CID-da uu helay xog kusaabsan wax isdaba marin kajirtay kastamka Canshuuraha Garoonka Aadan-Cadde,isla markaana xabsiga la dhigay qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo Saraakiisha kastamka.

Waxa uu hadalkiisa intaasi  ku daray taliyaha in kiiskaasi baaristiisa ay ka socoto Xarunta CID-da Natiijada kasoo baxdana loo gudbin doono Maxkamada awoodda u leh qaadista kiiskaasi lagu eedeeyay Mas’uuliyiinta & Sarakiisha Kastamka Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Dhanka kale Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Bariga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise  waxa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin in Canshuurta ay shacabka masaakiinta iyo ganacsatada kala duwan bixiyaan in shaqsi si gaar ah uu u isticmaalo .

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Shacabka Canshuuraha ay bixinayaan ay ugu tala galeen in ay ku kabaan dowladda si dalka uu u hormaro balse aanan la aqbali karin in shaqsiyaadiki lagu aaminay ay ku tagri falaan lacagahaasi Canshuuraha ah oo ay bixiyeen Shacabka.



Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com