Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo u digay Shaqaalaha Dowladda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa garoonka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium kaga qaybgalay xuska sannad-guurada 59-aad ee 1-da Luulyo.

Maxamed Cabdullahi farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uusan tagin koonis kahor waxa ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon taas oo lagu xusuusanayo halyeeyadii Soomaaliyeed ee wiilasha yo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf waxa uu uga qaatay garoonka koonis cutubyo katirsan ciidamada kala duwan ee dowladda , waxaana halkaasi socod kumaray shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaha dowladda, shaqaalaha gobalka banaadir , ciyaartoyda kala duwan ee qaranka iyo kuwa degooyinka gobalka banaadir.

Madaxweyne Farmaajo  ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay baabi’iyaan dhaqanka ay dadka Soomaaliyeed sida kala goon gooni misa beel beel ah ay tuulooyinka ugu deganyihiin,isla markaan aay ka Shaqeynayaan  sidii ay dadka Soomaaliyeed ay unoqon lahaayeen kuwo isla nool oo isdhex gala lagana gudbo arimaha laxariira beel beel.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa waxa uu sheegay in mushaaraadka kala duwan ee shaaqalaha , iyo ciidamada dowlada ay bixiyaan tan iyo arkii uu xilka qabtay kadib arkii uu tilmaamay in ay ladagaalameen musuq maasuqa, madaxda iyo shaqalaha dowlada ayuuna faray in ay iska ilaaliyaan musuq maasuqa.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shaqaalaha kala duwan ee dowladda in ay ilaaliyaan nidaamka iyo Shaqada ay qaranka u hayaan , waqtigii loogu talagalayna ay shaqeeyaan.



Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com