Daawo vedio” ”Golaha Shacabka waxa ka socda waa waali waxa uu noqday Maqaayad”

Maanta oo Arbaco ah waxaa ay xaruntooda Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho ay ku yeesheen Kulanka 25aad ee kalfadhiga 5aad,waxaama kulanka goobjog ka ahaa 146 Xildhibaan.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Mohamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan,waxaana ajandayaasha Maanta looga hadlay ka mid ahaa Akhrinta 3aad ee Xisaab xirka Miisaniyadda 2017, Akhrinta 2aad Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay  Guddigii Xaqiiqo Raadinta ee loo xilsaaray dil wadareedkii Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug loogu geystay 9 ruux oo kasoo kala jeeday deegaanada Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Qaar kamid ah Xildhibaanada barlamaanka Somalia ayaa edeen ujeediyay gudoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Cali oo kamid ah Xildhibaanada ayaa Golaha ka dhax sheegay ”Golaha Shacabka waxa ka socda waa waali waxa uu noqday Maqaayad”

Xildhibaan Cabdi Cali ”Golaha Shacabka waxa ka socda waa waali waxa uu noqday Maqaayad”

Xildhibaan Cabdi Cali ”Golaha Shacabka waxa ka socda waa waali waxa uu noqday Maqaayad”

Posted by Goobjoog on Wednesday, July 10, 2019


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com