Amaanka Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Aad Loo Adkeeyey kadib warar shegaayo in magaalada…

Ciidamada Dawlada ayaa aad u adkeeyey Amniga Goobta uu kusugan yahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre Ee Magaalada Dhuuso mareeb.

Arintaan waxay ka dhalatay Kadib Qaraxii Dhuuso mareeb,maanta ka dhacay,iyadoo Qof is miidaamiyey uu fuliyey.

Goob shaaha laga cabo ayaana qof isku qarxiyey,hal qof ayaa la sheegay inuu dhintay Shan kalena waa ay ku dhaawacmeen,mana jirin khasaaro kale oo lasoo tebiyey.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Dawlada ay Caawinaad siinayaan Ciidamada Galmudug oo baaritaan ka bilaabay Xaafadaha Dhuuso mareeb.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha laga yaabo uu saacadaha soo socda soo geba gabeeyo Magaalada Dhuuso mareeb Socdaalka uu ku joogo.

Kheyre ayaa markii 3-aad ku laabtay dhawaan Dhuuso mareeb,kadib Xalinta dhanka Beelaha iyo qaabka loo wajahayo Qancinta Beelaha.

Galmudug ayaa doorasho la filayaa inay dhawaan ka dhacdo inkastoo Xaaf iyo Xil heyntiisii ay soo dhamaatay isna ogolaaday inuu tanaasul sameeyo Lacagna ay Madaxtooyada siiso.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com