Akhriiso:Kenya oo sheegtay 15 nin looga haysto Xeebaha Somaliya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay 15 nin oo kalluumeysato Kenyan ah in looga haysto xeebaha Somaliya sida Guddiga Kalluumeysatada Kenya xaqiijiyeen.

15 Kaan nin ayaa waxaa haysta Koox Somali ah oo kalluumeysato ah kuwaasi oo la sheegay inay hubaysan yihiin oo gacanta ay ku hayaan.

Betty Makena, oo ka mid ah Guddi u dooda xuquuqda Kalluumeysatada Kenya ayaa sheegay in kooxda Doonta saaran ee Soomaalida ah ay hubeysan yihiin islamarkaana sida addoonta oo kale ugu shaqeystaan  Kalluumeysatada Kenyaanka ah.

Dowladda Kenya ayaa wuxuu ugu baaqay inay qaadato tallaabo ku aadan sidii dadkaasi loo bad baadin lahaay, islamarkaana xuriyadooda dib loogu soo celin lahaay.

Sarkaalkaan ma uusan sheegin goobta lagu haysto kalluumeysatada & qaabka loo kaxeystay intaba, balse wuxuu tilmaamay kaliya Xeebaha Somaliya in lagu haysto.

Kenya & Somaliya xilligan waxaa ka dhaxeeya muran dhanka badda ah oo labada dal u dhaxeeya, mana wanaagsana xiriirka labada dal.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com