Shaqo doonkii Muqdisho ee toban bilood ka hor oo hadda dadka shaqo siiya

Dhibaatooyinka Shaqo la’aanta ee ka jira Soomaaliya ayaa gaaray heerkii ugu xumaa, waxaana dhalinyaro badan ay la yimaadaan fikrado ay ku dirayaan farriimahooda shaqo doonka ah.

Bishii Oktober ee sannadkii hore, wiil dhallinyaro ah ayaa boor xayeysiin ah ku dhejiyay waddada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ku qoray, ‘fadlan i shaqaaleysii’, taas oo guul uu ku gaaray.

Abuukar Axmed Xuseen oo shaqo ka heley shirkadda AstaanLahaanshaha sawirkaASTAAN
Image captionAbuukar Axmed Xuseen oo shaqo ka heley shirkadda Astaan

Toban bilood ka dibna, meeshii shaqada laga siiyay ayuu u qaabilsan yahay qeybta shaqaaleysiinta.

Abuukar Axmed Xuseen ayaa BBC Somali u sheegay inay hadda wax badan iska baddaleen noloshiisa.

“Dhowr bilood kahor markii aan boorka dhajistay, ilaa hadda, nolosheyda wax badan ayaa iska baddalay marka la eego dhinaca hormarka, tusaale ahaan, xafiiska shirkadda Astaan Tv waxaa la iiga qoray shaqaale caadi ah, isla xafiiskii ayaan maanta ka ahay qofka dadka shaqaaleysiiya, oo maamulkii ayaan qeyb ka noqday,” ayuu yidhi Abuukar.

Laakiin isaga kaliya ma ahayn dhalinyarada shaqo la’aanta ah, inkastoo uu fikir cjiib ah ku helay shaqadiisa.

Magaalada Muqdisho, waxaa laga hadal hayaa wiil kale oo la yimid fikir shaqo doon ah.

Dad badan waxay ku tilmaameen xafladdii ugu yaabka badneyd ee ka dhacda Muqdisho

Hadii aad arki jirtay qof u dabaal dagaya munaasabad farxadeed sida qalin jabin, dhalasho iyo aroos, taas mid ka duwan ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Wiil dhalin yaro ah ayaa u dabaal dagay sanad guuradiisii 1-aad ee shaqo la’aanta uu ahaa.

.
Image captionFikirkan ayaa ah mid uu wiilkan ku dirayo farriin

Dabcan Ma aha dabaaldag farxadeed, balse waa mid uu ku gudbinayo farriin.

Dabbaal daggan ayaa noqday mid aan horay loogu arag Soomaalida dhexdooda, laakiin waxa uu xambaarsan yahay farriin culus oo ku aadan dhibaatada shaqo la’aanta ee haysata dhalinyaro badan.

Cabdala Cabdinaasir waa 24-jir, wuxuu sanad ka hor ka qalin jabiyay jaamacad uu ka bartay cilmiga maaraynta guud, waxaana qarashka ka caawiyay nin ay qaraabo yihiin. Welina waa shaqa doon, inkastoo hooyadii iyo walaalihii uu taageero ka helo.

“Farriinta ugu way nee aan diraayo waxay tahay, Aniga hada waxaan dhigtay xaflad oo ah hal sano guuradaydii shaqo la’aanta, laakiin ma rabo inaan sanad kale dhigto xaflad noocaan oo kale ah. Waxaan farriintaan gaarsiinaya shirkadaha laga shaqeeyo, ha ahaadaan kuwa dowladda ama kuwa sida gaarka ah loo leeyahay, waxaana ka codsanayaa inay arimahaan soo fara galiyaan, dhalinyarada, ardayda wax baratay ee dalka ku nool qaarkood ayaa go’aansanaya inay tahriibaan, qaar kale ayaa raba inay dhigtaan xaflado noocaan oo kale ah, waxay u baahan yihiin in shaqooyin la siiyo”.

Sanadkii 2017-kii waxaa jaamacadaha Muqdisho ka qalin jabiyay 11 kun
Image captionSanadkii 2017-kii waxaa jaamacadaha Muqdisho ka qalin jabiyay 11 kun

Heerka shaqa la’aanta Soomaaliya ayaa aad sarreeya, wuxuuna saameeyay dhallinyaro badan oo ka soo baxa jaamacadaha dalka oo dhan. Taas waxay qaarkood ku khasabtay in ay la yimaadaan hab cusub oo ay baahidooda ugu gudbin karaan bulshada qeybaheeda kale.

Hay’ada iftin oo ka shaqeysa arimaha waxbarshada iyo shaqaaleysiinta ayaa sheegtay in Sanadkii 2017-kii ay jaamacadaha Soomaaliya ka qalin jabiyeen 11,000 oo arday, halka sanadkii 2018-kii ay ka qalin jabiyeen 15,000 oo arday.

Sida uu bangiga adduunka saadaaliyay, sannadkan waxaa la filayaa in dhaqaalaha Soomaaliya uu sare u kaco, balse lama caddeyn sida ay arrintaas wax uga tareyso in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada.

Xigasho BBC


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com