SAWIRRO: Gudoomiye Muudeey oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Moshin Xoogan oo Laga Diyaariyay

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii maalman uu dalka ka maqnaa.

Muudey ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa uu ka mahadceliyay soo dhaweeynta ballaaran ee Maanta loo soo dhaweeyay,isla markaana waxa uu ka warbixiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Turkiga.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya Ololaha Mooshinka laga diyaarinaayo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana socda kulamo ay leeyihiin xildhibaanada Mooshinka wadda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com