Maamulka Soomaaliland oo soo bandhigtay sababta uu u xiran yahay Wariye Coldoon

Xeer Ilaalinta Maamulka Soomaaliland ayaa Maanta oo Talaado ah soo bandhigtay eedeymaha loo heysto Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon,kaas oo ku dhowaad laba bilood ku xiran Magalada Hargeysa.

War kasoo baxay Xeer Ilaalinta soomaliland ayaa lagu sheegay in kiisaska loo heysto Wariye codloon ay ka mid yihiin in uu ku xadgudbay jiritaanka soomaaliland,isla markaana xukuumadda Soomaaliland uu ku ntilmaamay mid ku socota wadadii Madaxweynihii dowlad deegaanka ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale Cabdi Maalik ayaa lagu eedeeyay in dugsiga Abaarso oo ka mid Iksuulada ku yaalla Magalada Hargeysa lagu dhigo Casharo la xiriira Galmoodka dadka isku jinsiga ah  iyo kuwa ka baxsan diinta Islaamka.

Ugu dambeyn Xeer ilaalinta Soomaaliland ayaa Maxkamada Sare ka codsatay inay muudeeyaan xilliga rasmiga ah ee la qaadayo eeda loo hesyto Cabdi Maalik Muuse Coldoon .


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com