“Maamul Goboleedyada mar ayuu caqli usoo bixi doonaa oo gurigooda ay ku shiri doonaan”

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shirkii maalmihii ugu dambeeyay la hadal hayay oo madaxda maamul goboleedyada la filayay inay ku yeeshaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isaga oo dadweyne la hadlayay wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya ay leeyihiin dad Soomaaliyeed oo u fakaraya.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibeyso in madaxda maamul goboleedyada ku shiraan meel ka baxsan Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u sheegay inay ku shirayaan dal uu xiisad siyaasadeed kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay leeyihiin magaalooyin ka wanaagsan Nairobi oo shirarkooda ay ku qabsan karaan, balse ujeedo kale ay ka dambeyso inay Kenya ku shiraan

“Wey na dhibeysaa markaan aragno maamul goboleedyada oo ninkii bud-ka (Usha) noo heysta gurigiisa ku shiraayo, meel ay ku shiraan ma weynin, laakiin haddana waxaan kor u qaad qaadeyno maaha, mar ayaa caqli usoo bixi doonaa oo gurigooda ay ku shiri doonaan”

“Boqol meelood oo wanaagsan ayay qabaan, waxay meeshaas ugu shireen waxaan is leeyahay waa un qaab daro ayaan is leeyahay, Wadankaan waxaa is kaleh Soomaali, iyagaa u adeegaya, iyagaa u shaqeynayaa iyaga ayaana ka shaqeysan doono”ayuu yiri wasiir Goodax.

Shirkii maamul goboleedyada ku yeelan lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa gabi ahaanba baaqday, waxaana la sheegayaa inay soo kordheen culeesaadyo kale.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com