Dhageyso” Muqdisho oo siweyn looga Ciiday & Madax ka qeyb gashay+Sawiro

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa boqolaal shacab ah kula hadlay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere xilli halkaasi ay ka socotay dabaal-daga farxada Ciidul Fitriga.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay farxada ciida asigoona kula dar-daarmay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wada jirka. Sanadkaan kan xigana uu eebe ugu baryay in ay ku gaaraan Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.

Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho ayaa waxaa Maanta lagu arkayay dadweyne kala duwan oo siweyn uga qeyb qaadanayay Munaasabadda Ciida.

Hoos Ka Dhageyso Codka Qaar ka mid ah Shacabka Magalada Muqdisho kana daawo Sawirada.



Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com