DEG DEG”Dagaal ka socda duleedka Baladweyne & taliyeyaal ku geeriyooday

Wararka lag helayo deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Hir-Shabeelle iyo Ciidamo taabacsan Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolkaasi Yuusuf dabageed.

Dagaalka ayaa geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxana wararku sheegayaan in uu ku geeriyooday taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow.

Sidoo kale dagaalka waxaa ku dhaawacmay taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Baladweyne iyo saraakiil kale,waxaana dagaalka uu ka socdaa Koontoroolka deegaanka Kalabeyr.

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in weli deegaanka Kalabeyr ee duleedka Baladweyne laga maqlayo rasaasta dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle iyo kuwa daacad u ah yuusuf Dabageed.

Xaalada Magalada Baladweyne aya xilligaan kacsan, iyada oo laga dareemayo dagaala ka socda duleedka degmadaas.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com