DAAWO:Fulaynimo Darteed Ayuu Geed Dhex Orday – Xiddig Real Madrid Ah Oo Mas Faalso…

Xiddigaha kubadda cagta ayaa marka laga yimaado bandhigooda garoomada dhexdooda haddana leh dabeecado kala duwan oo ay kula fal galaan bulshada marka garoonka banaankiisa la joogo.

Xiddigaha qaar ayaa ah kuwo leh dabeecad wanaagsan oo ay cidkasta kusoo jiitaan halka kuwo kale ay leeyihiin dabeecado qalafsan, Sidoo kale xiddigaha qaar waa kuwo geesinimo weyn leh.

Waxa baraha bulshada si weyn ugu faafay muuqaal laga qabtay daafaca bidix ee kooxda Real Madrid ee Sergio Reguilon kaas oo lagu maadsaday xilli uu fasax kula jiray asxaabtiisa.

Reguilon ayay shaqsiyaadka la socday lugta ugu xidhayaan mas been abuur ah oo aan noolayn iyaga oo muuqaal ka duubaya intaas kaddib ayayna soo jeedinayaan iyaga oo u sheegaya in mas daba socdo.

Reguilon oo daacad ahaa isla markaana filanayay in waxa daba socdaa yahay mas dhab ah ayaa orod intii taagtiisa ahayd cararay isaga oo qaylinaya waxaana uu naxdin darteed dhex galay geed ka ag dhawaa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com