DAAWO VEDIO”Al-Shabaab isa soo dhiibay oo lagu soo bandhigay Degmada Baardheere

Laba horjooge oo ka tirsanaa Mintidiinta Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maanta lagu soo bandhigay Degmadaasi.

Mustaf Ibraahim Isaaq ayaa Al Shabaab u qaabilsanaa qeybta Sirdoonka, halka Maxamed Xasan Madhaale uu qaabilsanaa qeybta ilaalinta xabsiyada Kooxda ee Deegaanada Jubbaland.

“Si wanaagsan ayaa naloo soo dhaweeyay, markii hore waxaa nala dhihi jiray waa murtadiin dowladda, waxaan shacabka ka codsaneynaa inay na cafiyaan”. ayay yiraahdeen labadan nin ee soo goostay.

Taliyaha Ururka 49-aad, Guutada 10-aad qeybta 43-aad Dhamme Cali Maxamed Xasan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dhalinyarada la qalday ee dooneysa inay ku soo biiraan dowladda, wuxuuna baaq u diray ragga weli ka tirsan Shabaab.

Dhalinyaradan ka soo goostay Al Shabaab ayaa ka faa’ideysanaya cafiskii Madaxweyne Farmaajo iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha xoogga dalka.

#Laba Horjooge

Laba Horjooge Oo Ka Tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Dawladda Ayaa Maanta Lagu Soo Bandhigay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Monday, June 10, 2019


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com