Atoorihii jilay filimkii abid ugu caansanaa dunida oo ‘walwal dartiis’ isbitaal u tagay

Atoorihii xiddiga ka ahaa filimkii laga daba dhacay ee la magac baxay Game Of Thrones, Kit Harington ayaa tallaabo u qaaday inuu “tijaabo caafimaad isku sameeyo”, waxaana lagu soo warramay inuu soo wajahay walwal xoog leh iyo culeys dhinaca maskaxda ah.

Harington oo dhawaan soo gaba gabeeyay filimka lagu tilmaamay kii ugu xiisaha badnaa ugu caansanaa ee abid soo mara dunida ayaa booqday isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka.

Jilaagan – oo filimkaas ku matalay magaca Jon Snow – ayaa dhowr isbuuc kahor lagu billaabat daweynta, sida uu shaaciyay bogga Page Six.

Kit ayaa filimka ku jilayay magaca John SnowLahaanshaha sawirkaHBO
Image captionKit ayaa filimka ku jilayay magaca John Snow

Mid ka mid ah dadka dhanka saxaafadda u qaabilsan jilaaga ayaa idaacadda BBC-da ee Radio 1 u sheegay in Kit uu ku mashquulsanaa “arrimo shakhsiyeed”.

Wareysi dhawaan lala yeeshay Kit ayuu ku sheegay “inuu dareen aad u xooggan kusoo kordhay” markii uu jilay qeybtii ugu dambeysay ee filimka Game of Thrones, kaasoo uu kasoo shaqeynayay sideed sano oo lasoo dhaafay.

Siddeed qeybood oo uu filimku ka kooban yahay ayuu ka wada qeyb galay jilaagan, waxaana uu ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu muhiimsan ee ku jiray filimka.

Wareysi kaas ka duwan oo jilaaga 32 jirka ah lala yeeshay wuxuu ku sharraxay wixii uu dareemay markii uu soo gaba gabeeyay doorkii John Snow ee caanka ahaa.

Wuxuu yidhi: “Maalintii ugu dambeysay ee aan filimka duubay, si fiican ayaan dareemayay… si fiican ayaan dareemayay…. si fiican ayaan dareemayay… kadib qeybihii ugu dambeeyay ayaa jilay, markaas kadib ayaan billaabay inaan xoogaa neef tuuro.

“Kadib waxay ku dhawaaqeen in la gabogabeeyay, aniguna markaas waan ooyay. Waxay ahayd farxad iyo qalbi jab ku saabsan inaan mar dambe sii sameyn doonin filimka”.

Barnaamij laga sameeyay filimkaas gabagabadiisa ayaa lagu soo daray muuqaal laga arkayo Kt oo ilmeynaya markii uu ogaaday in lasoo afjaray doorkiisii.

Xigasho BBC


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com