SAWIRRO “Ciidanka xoogga dalka oo hawlgallo ka sameeyay wadada isku xirta Marko iyo Laanta Buuro

Ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ayaa Hawlgalo qorsheysan ka fuliyay wadada isku xirta Magaalada Marko, Nambar 50, Laanta Buure iyo Muure oo aan lamarin mudo kudhow 7sano.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisa ahaa furitaanka wadadaasi oo Argagixisada Al Shabaab ay ku aaseen Miinooyin si ay dad Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan taasi oo keentay in wadaasi isticmaalkeedu uu yaraado.

Inta uu Hawlgalka socday ayaa waxaa lagu soo saaray dhowr Miino oo Aargagixisada wadada galiyeen.

Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan) oo howlgalka horkacayay ayaa Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in wadada isku xirta Marko, Afgooye ilaa Muqdisho ay Hawlgalo ka sameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay si nabad ah ugu safri karaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com