Maxey tahay sababta loo xiray dadkan jimicsiga sameynayay?

Soddon qof oo ka qayb galayey xiisad lagu barto jimicsiga yoga-da ayaa lagu xir xiray dalka Iran xilli ay ku jireen fasal khaas ah, arrintaas oo buuq ka abuurtay baraha bulshada ee dalkaas.

Dadkan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa lagu xir xiray magaalada Gorgan, ee kutaal Waqooyiga dalkaas, xilli ay kujireen fasal ay ku baranayeen jimicsiga Yoga.

Sarkaal katirsan waaxda caddaalada ee dalkaas laguna magacaabo Massoud Soleimani ayaa sheegay in macallinkii, oo asna la xiray aanu haysan wax rukhsad ah oo uu ku dhigo fasal noocaas ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadkii dhiganayey fasalkaas ay xirnaayeen “dhar aan habboonayn” ayna udhaqmayeen si anshax xumo ah.

Nidaamka Islaamiga ah ee Iran ayaan ogolayn ragga iyo dumaka sida wada jirka ah u sameeya ciyaaraha jimicsiga ah.

Baridda iyo barashada Jimicsiga Yoga ayaa laga mamnuucay guud ahaan dalkaas.

Mr Soleimani, oo ah ku xigeenka madaxa maxkamadda Islaamiga ah ee Gorgan oo ah caasimadda gobolka Golestan, ma bixin wax faahfaahin ah oo ku aaddan dhaqan xumada ay sameeyeen dadka la xir xiray.

Waxa uu sheegay in laamaha ammaanka ay muddo isha ku hayeen guriga ay kooxdaasi ku jireen kahor inta aan la xir xirin.

Sheekadaan ayaa buuq badan ka abuurtay baraha bulshada, waxayna noqotay mawduuc ay si wayn bulshada dalkaasi u hadal hayaan.

Mid kamid ah dadka twitter-ka isticmaala ayaa qoray ” masuuliyiinta Iran, kalimadda Yoga xataa waxay u arkaan mid mushkilad ah marka la eego shareecada”

Dad kale oo iska diiwaan galin lahaa xiisadda jimicsiga Yoga-da ayaa joojiyay kadib markii uu dhacay xadhiggii Gorgan.

“Waxaan masuuliyiinta ka rabnaa in ay noo sheegaan waxa dhab ahaan naloo oggol yahay in aan ku samaynno dalkaas”. ayuu yidhi qof kale oo faallo ku qoray twitter-ka.

Xidhiidhka ciyaaraha kala duwan ee Iran ayaa warqad u diray wasaaradda dhalinyarada iyo arrimaha ciyaaraha si ay u mamnuucdo dhammaan jimicsiyada noocaas ah oo uu kamid yahay kan lagu magacaabo zumba, oo ay sheegeen in uu hareer marsan yahay shareecada Islaamka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com